Dowladda oo xirtay garoonka diyaaradaha Baladweyne

HomeWararka

Dowladda oo xirtay garoonka diyaaradaha Baladweyne

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Xiritaan

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre oo la dar daarmay Ganacsatada Somaliyeed (dhegayso)
Boqor Buurmadow oo mar kalle horimaanaya maxkamadda
Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay degmooyin hor leh in la gaarsiin doono dhismaha Jidka Sodonka

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u xirtay garoonka Ugaas Khaliif ee magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xiritaankan ayaa yimid kadib markii talaadadii ay ku soo dhacday diyaarad xamuulka qaada oo sahay u siday Ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafti xaqiiqo raadin ah oo shalay booqday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Agaasimaha Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ka mid ahaa wafdiga booqday garoonka diyaarada Ugaas Khaliif ayaa sheegay in garoonka Baladweyne uu sii xirnaa doono in muddl ah si baaritaan looga sameeyo waxa sababay burburka diyaarada isla markaana loo nadiifiyo burburka diyaarada.

Diyaaraddii ku burburtay garoonka Beledweyn ayaa la sheegay inuu sababay burburkeeda kadib markii duuliyaha diyaarada uu arkay dameer ku jooga jidkii ay ku degi lahayd.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: