Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wakiilo ka socda Norway kala hadlay doorashooyinka

HomeWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Wakiilo ka socda Norway kala hadlay doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalkeenna mudane Haakon S

Maxaa sababay doolarka inuu hoos u dhaco Puntland ? (dhegayso)
Nabadoon lagu caleema saaray Burtinle (dhegayso)
Paul Kagame oo Mar Kale Loo Doortay Madaxweynaha Rwanda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalkeenna mudane Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Dowladda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka oo dhawaan Golaha Shacabka ay ku doorteen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay doorka Wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, xilli 15 Bishaan la filayo inay Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: