Magaaladda Burtinle ee gobalka Nugaal maanta waxaa lagu caleema saaray nabadoon Cabdikaafi Cabdulaahi Xuseen oo kamid noqonaya golaha dhaqanka Cusub ee Puntland.

Munaasabada caleemasaarka nabadoonka oo Burtinle ka dhacday waxaa ka qayb galay,Cuqaal,Nabadoono,Ganacsato,Issimo,Aqoonyahano iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda degmadda Burtinle.

Masuuliyin ka tirsan Puntland ayaa Xafladda Caleemasaarka Nabadoonka ku sugnaa kuwaas oo kalmado dardaaran ah u jeediyeey Nabadoonka Cusub.

sido kale Qaar kamid ah Nabadoonadii ka qayb galay Xafladaas ayaa hadalo kala duwan oo ay ku dhirigalinayaan nabadoona kajeediyeey xafladda.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *