Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka jawaabay cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka jawaabay cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan in khabuuraha Ehelkooda ku duugnaa kala soo baxaan si loo degaameesto.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah.

Waxa uu amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com