Faahfaahino Dheeraad ah Oo ka soo baxaay dagaal ka dhacay duuleedka degmada Dhoobleey.

HomeWararka

Faahfaahino Dheeraad ah Oo ka soo baxaay dagaal ka dhacay duuleedka degmada Dhoobleey.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ka sameeyeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maam

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Cabdifataax ina Rotman iyo Axmed Maxamuud Doolaal oo ku dhintay Qaraxa Buuhoodle (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ka sameeyeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland deegaano hoostaga degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka ayaa ciidamada is kaashanaya waxay si gaar ah uga fuliyeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku taala duuleedka degmada Dhoobleey.

Goobta ayaa la sheegay iney isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab waxaana ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugna goobta lagu weeraray.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ka dhacay duuleedka degmadaas, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda iyo Al-shabaab oo ku aadan khasaraaha ka dhashay weerarka, hayeeshee dadka deegaanka ayaa tilmaamay inuu dagaalka ahaa mid xoogan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Goobtaan ay beegsadeen ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan fariisimada ciidamada ee ku yaala degmada Dhoobleey iyo nawaaxigeeda.

Howlgalkaan qorsheysnaa ee ka dhacay duuleedka magaalada Dhoobleey ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay kordhiyeen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland howlgalada ay ka wadaan deegaanada gobolka Jubbada Hoose.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: