Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo digniin culus u diray shacabka Muqdisho

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo digniin culus u diray shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Diint

Wararkii u dambeeyey ee Roobkii ka da’ay Puntland
Golaha Wasiirrdda oo oggolaaday Heshiiska Kaalmada Deyn-cafinta Dowladda Norway
Madaxweyne Deni oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Qoorqoor ?(daawo)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble iyo Hey’addaha ka shaqeeya Qeybinta Udxiyadda, Maadaama ee nagu soo food leedahay Ciida Carafo, isla markaana la doonayo in Bulshada si hufan loo gaarsiiyo Udxiyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada faray in xoolaha lagu gowraco kawaanada xoolaha lagu qalo ee Magaalada Muqdisho, isla markaana laga fogaado in xoolaha lagu gowraco Magaalada Dhaxdiisa ama goobo aan loo asteenin.

Duqa Muqdisho ayaa ku dar-daarmay in la ilaaliyo Bad-qabka Deegaanka iyo Faya-dhowrka si Bilicda Magaalada loo ilaaliyo islamarkaana Shacabka loo gaarsiiyo Udxiyada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad loogu dareemayaa diyaar garowga Maalmaha Ciidul Carafa iyadoo inta badan shacabka Islaamka ee Ciida Carafo sadaqeestaan Hilibka Xoolaha (Udxiya).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: