Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Wasiirka dhalinyarada DFS oo Heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Wasiirka dhalinyarada DFS oo Heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xildhibaa

Dagaal u dhexeya ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland oo ka socda degmada Beled-xaawo
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

Wasaaradda Shaqada ayaa horay u daahfurtay mashruuc loogu magacdaray Baxnaano,kaas oo la sheegay in lacago caawin ah lagu siinayo dadka danta yar,hayeeshee weli aan la soo bandhigin dad la siiyay lacagtaas.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: