Somaliland: dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 oo soo badanaya

Somaliland: dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 oo soo badanaya

Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo qofkii 10aad oo Cudurkaas ugu dhintay Soomaaliland tan iyo markii Cudurka laga helay.

Guddiga wacyigelinta iyo ka hortagga COVID-19 u qaabilsan Soomaaliland ayaa sheegay in la baaray 35 Ruux oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 8 Qof oo kamid ahaa dadkaas.

Dadka Cudurka laga haley ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen inay joogaan 1 kamid ah Magaalada Hargeysa, Shan Qof Magaalada Boorama iyo laba qof oo joogta Burco ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay yihiin kuwo aan ka bixin deegaannada Soomaaliland

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in qof qabay Cudurka oo laga keenay Magaalada Burco uu ugu dhintay Magaalada Hargeysa kaas oo noqonaya qofkii 10aad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa ay gaartay 129 qof 9 qof.

Diwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com