Dagaal u dhexeya ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland oo ka socda degmada Beled-xaawo

Dagaal u dhexeya ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland oo ka socda degmada Beled-xaawo

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur janan ayaa weli ka socda degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo soo bilaawday xalay saqdii dhexe ayaa waxaa uu ka socdaa xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo oo la sheegay inay galeen Ciidamada uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland.

Goobaha dagaalka xoogiisa uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Saldhiga Booliska Beled-Xaawo, Masjidka Qadiib iyo Dabaqa Xarunta u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxaana dagaalka ka qeyb qaadanaya Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Maamulka Jubbaland ayaa dagaalka guulo ka sheeegtay.

Dowladda Soomaaliya oo dagaalka ka hadashay waxa ay shegatay in Jabhad hubaysan oo laga soo abaabulay Kenya ay ciidamada weerar kusoo qaadeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com