Guddoomiyaha Aqalka sare oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka

Guddoomiyaha Aqalka sare oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii sanadkii 2016 kii.

Qoraalka oo la ogeysiiyay, Madaxwyene Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada& Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa marka hore looga mahad celiyay Xubnaha kor ku xusan dadaalka ay u galeen in dalka ka dhacdo doorasho loo wada dhan yahay.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashooyinka oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir aysan ka qyeb-gelin siyaasiyiinta matalaya gobolada Waqooyi, taas oo aheyd inay matalaad rasmi ah ku yeeshaan.

Qoraalka Guddoomiyaha Aqalka Sare oo laba bog ka kooban ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskii doorashada uu kamid ahaa in guddiga doorashada ee maamulaya kuraasta gobolada Waqooyi ay Xukuumadda Magacaawdo, waxaana arrintaasi uu ku tilmaamay mid wax u dhimeysa hanaanka doorasho madax bannaan, isla markaana a iyaga magacaabi doonaan Guddiga maamulaay doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com