Guddoomiyaha Aqalka Sare DFS oo kulan la qaatay Danjire Michael Keating

Guddoomiyaha Aqalka Sare DFS oo kulan la qaatay Danjire Michael Keating

Kulankan ay wada qaateen gudoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane cabdi xaashi cabdulaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa waxay uga hadleen dar dar galinta dhameystirka dastuurka iyo howlaha horyaala aqalka sare ee dalka.

Markii uu soo gaba gaboobay kulankaasi labada mas’uul waxaa saxaafada la hadlay habdhooraha golaha aqalka sare Ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Kaafi Macalin Xasan waxa uu sheegay in arimaha dastuurka iyo furitaanka fadhiyada aqalka sare looga hadlay kulanka iyadoo ergayga gaarka ee Q,M, Soomaaliya u qaabilsan ay tahay markii 3aad oo kulan uu la qaato guddoonka golaha aqalka sare.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com