Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka oo maanta tagay kismaayo

Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka oo maanta tagay kismaayo

Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, halkaasoo ay kulamo wada tashi ah kula leeyihiin Maamulka, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddigan oo ka kooban 15 Xildhibaan oo horay Guddoonka Golaha Shacabka ugu saaray inay soo diyaariyaan, kana soo tala bixiyaan Sharciga doorashooyinka sanadka 2020/2021 ayaa horay safaro ku maray xarumaha maamul goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wada tashiyada Guddigan wadaan uu yahay mid ay ku uruurinayaan tallooyinka bulshada maamul goboleedyada iyo madaxda maamulada ee kaga aadan hannaanka doorasho ee dalka ka dhici kara oo aan weli la isku waafaqsaneyn.

Xubnaha Guddigan ayaa la kulmi doona Golaha Wasiirada Jubbaland, Madaxweynaha Jubbaladn iyo kuxigeenadiisa, sidoo kale waxaa ay kulamo la yeelan doonaan odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee u dhaq dhaqaaqa bulshada.

Inkastoo Guddigan ay howshiisa gabogabo tahay, ayaa la filayaa in sharciga ay soo diyaariyeen la horkeeno Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, si looga doodo, waxaana weli taagan kala aragti duwanaan ku aadan hannaankii doorasho ee ay soo gudbisay Xukuumadda, kaasoo Xildhibaanada iyo madaxda maamul goboleedyada ay ka hor-yimaadeen.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com