Guddiga hirgelinta doorashooyinka puntland

HomeWararka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka puntland

Guddiga hirgelinta doorashooyinka golaha shacabka ee Soomaaliya fadhigooda Garowe ayaa maanta oo Axad ah shaaciyey liiska 12 musharrax oo golaha shaca

Maxaa looga hadlaya shirka IGAD ee Nairobi?
Soomaaliya oo dadaal ugu jirta ku biirista dalalka ku mideysan Dallada Bulshada Bariga
Shir looga hadlayo mideynta Waxbarashada Dalka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka golaha shacabka ee Soomaaliya fadhigooda Garowe ayaa maanta oo Axad ah shaaciyey liiska 12 musharrax oo golaha shacabka ah, una tarmaya 6 kursi oo taalla magaalada Garowe, ahna kuraastii ugu dambeeyey ee xagga Puntland.

Guddiga ayaa shaacintooda raaciyey xubnahaasi magacayadooda meesha lagu xusay in ay yihiin kuwa buuxiyey shuruudaha musharraxnimada xildhibaanada, kuwaasi oo isla maanta qaatay shahaadada tartamidda.

Berri oo Jimce ah ayaa loo madaleeyey qabashada doorashada lixdaasi kursi sida lagu caddeeyey Jadwalkii guddigu horay u shaaciyeen, muujinayeyna maalinka qabasho ee doorashadaasi.

Musharraxiinta magacyadooda lagu dhawaaqay, loona madaleeyey ka qaybgalka doorasho waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur iyo agaasimaha guud ee wasaaradaha duulista hawada ee Puntland Cismaan Cali Yuusuf.

Shaacinta liiskaan ka kooban 12 xubnood, una tartamaya 6da kursi ayaa ku soo aadaya xilli kala aragti duwanaan ballaarani ay ka taagantahay habka iyo hannaanka loo maray maqooradiddooda labo kursi oo kuraastaasi ka mid ah, una dheelmada dhanka gobolka Mudug, taasoo ka dhex oogan madaxda siyaasadda iyo qaar ka mid ah dhaqanka.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: