Rwasaare Rooble ayaa qaabilay ergayga gaarka ee dawladda shiinaha

HomeWararka

Rwasaare Rooble ayaa qaabilay ergayga gaarka ee dawladda shiinaha

Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta qaabilay ergayga gaarka ee dawladda shiinaha u qaabilsan geeska Afrika.

Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo Dib u dhacday & Xildhibaan Fiqi oo Daljir uga Waramay (dhegayso)
Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Rwasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta qaabilay ergayga gaarka ee dawladda shiinaha u qaabilsan geeska Afrika.

Rwasaaraha xukuumadsa xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamwd Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ergayga gaarka ah ee dawladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing.

Kulankaasi oo wakhti qaatay waxaa Rwasaaraha iyo eraygaasi Shiinuhu uga wadahadleen arrimo quseeya  xoojinta xiriirka labada dawladooda iyo arrimaha bani’aadanimada sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga warfaafinta ee xafiiska Rwasaaraha.

Dawladda Shiinaha ayaa muddo dheer wadday ahmiyad-siinta qaaradda Afrika, iyadoo mashaariic waaweyn oo xagga hormarinta iyo dhismaha qaabayaasha dhaqaalaha ah ka hirgelisay waddamo gobolka, welina wadda xoojinta cilaaqaadka.

Socdaalka waftigaan Shiinaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogaysanayo tartanka ka dhaxeeya bariga iyo galbeedka adduunka, taasoo iskugu jirta loolanno siyaasadeed, mid cududeed, dhaqaale iyo tignoolajiyadba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: