Shir looga hadlayo mideynta Waxbarashada Dalka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka furmaya shir looga hadlayo midaynta Waxbarashada dalka, kaas oo ay ka qayb-galayaan Wasaaradda Waxbarashada dalka iyo wakiillo ka socda Dawlad goboleedyada.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa sidii Manhajka Waxbarashada Dalka loo midayn lahaa, loona gaarsiin lahaa gobollada dalka, si sare loogu qaado tayada Waxbarashada.

Arrimaha kale ee laga hadlayo waxaa ka mid ah wada-shaqaynta hay’adaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed, taas oo xoojinaysa iskaashiga labada dhinac ee loogu adeegayo Bulshada Soomaaliyeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com