Guddiga Fulinta Xisbiga DDS oo go’aanshay diidmo EPP Xisbiga cusub ee Abiy Axmed

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Guddiga Fulinta Xisbiga DDS oo go’aanshay diidmo EPP Xisbiga cusub ee Abiy Axmed

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) xubnihiisa Guddiga Fulinta Xisbiga SDP ayaa go'aan ku soo saaray in aanay oggolayn ku biirista ama kamid ah

Wararka DDS: Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Ururka ONLF oo sii kala fogaanaya
Guddoomiyihii dhalinyarada ee gobolka Shiniile ee DDS oo Itoobiya ay ugacangalisay maamulka Canfarta (dhegayso)
Nabadoon Khadar Axmed Mataan oo kamid ah Qurbajoogta udhalatay Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa kormeer ku tagay Ceelbiyoodka laga dhisayo Santarka Gole ee Dagmada Dannood

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) xubnihiisa Guddiga Fulinta Xisbiga SDP ayaa go’aan ku soo saaray in aanay oggolayn ku biirista ama kamid ahaanshaha xisbiga cusub ee Dowladda Federaalku aasaastay, loona soo gaabiyo EPP ama ‘Ethiopian Prosperity Party.”

RW Abiy Axmed ayaa ka danbeeya hal-abuurka EPP ayada oo qorshuhu yahay in la mideeyo ururada uu ka koobanyahay xisbiga talada haya ee EPRDF oo awal ahaa jirey afar urur oo kaliya, kuna ballaariyo dalka oo dhan.

Xisbigan cusub ee EPP ayaa waxaa aad u saluugsan kililka Tigrayga, waxaana hadda gacantaag ku diidey Xisbiga deegaanka Soomaalida, sheegayna in go’aanka ku biirista xisbiga uu yahay mid u taal shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Xisbigu aanu kali go’aan ka gaadhi karin.

Xisbigii hore ee EPRDF ayaa hore uga koobnaa xisbiyada ama ururada afar KILIL oo kaliya oo ay ugu horreyn jireen kililka Tigreyga, Raysal Wasaaraha dalkuna waxa uu ka soo bixi jirey afartaas kilil mid kamid ah oo kaliya.

Xisbiga cusub ee EPP ayaa hadda hiigsanaya in uu noqdo xisbi ay ku midoobaan qowmiyadaha Itoobiya oo dhan. Saas oo ay tahayna waxaa aad loo saluugsanyahay xeer hoosaadada xisbiga EPP oo qoraya in KILIL kasta oo Itoobiya uu madax ka noqon karo qof aan kililka ama gobolka u dhalan, oo qof ka soojeeda kililka Amxaarada, Tigreega ama Oromadu uu madax ka noqon karo kililka Soomaalida ama kilil kasta oo Itoobiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: