Guddiga doorashooyinka ee lagu muransanyahay oo booqday goob loo asteyeey doorashadu inay ka dhacdo

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka ee lagu muransanyahay oo booqday goob loo asteyeey doorashadu inay ka dhacdo

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee khilaafku ka taagan yahay oo ay weheliyaan xubno katirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka qaabilsan ayaa kormeer

Madaxwaynaha Soomaaliya oo madaxwaynihii hore kula kulmay Turkiga
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee khilaafku ka taagan yahay oo ay weheliyaan xubno katirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka qaabilsan ayaa kormeeray Xarunta Gaadiidka Booliiska oo loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Gobollada Waqooyi iyo gobolka Banaadir.

Xarunta Gaadiidka Booliiska waxaa lagu qabanayaa Doorashada Kuraasta labada Aqal ee Gobollada Waqooyi oo muran uu ka taagan yahay Guddiga Xukuumadda ay u magacawday, kadib markii Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka yimid xubnahaas & Gobolka Banaadir.

Guddiga doorasho oo dhowaan soo saaray jadwalka doorashada ayaa u asteyay in doorashada Aqalka Sare la qabto oo ay bilaabato diiwaangelinta musharaxiinta, balse illaa hadda ma jiro Maamul Goboleed diiwangeliyay musharaxiin.

Xubnaha Guddiga ayaa u muuqda in aysan ku dedaalayaan dardar gelinta tallaabooyinka loo qaadayo doorashada muranka ka taagan, maadaama ay xoojiyeen dhoolatuska ay isu muujinayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0