Madaxwaynaha Soomaaliya oo madaxwaynihii hore kula kulmay Turkiga

Madaxwaynaha Soomaaliya oo madaxwaynihii hore kula kulmay Turkiga

Madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Turkiga muddo laba maalmood ah ayaa kula kulmay magaalada Ankara madaxwaynihii xilka uga horeeyey ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimaha siyaasadda ee dalka iyo inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan bulshada.

“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com