Guddiga Aaska Marxuum C/raxmaan Xoosh jabriil oo kulmay (Sawiro)

HomeWararka

Guddiga Aaska Marxuum C/raxmaan Xoosh jabriil oo kulmay (Sawiro)

Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo

Garoowe oo lagu soo Gabagabeyeey Shirkii Wasaaradaha Warfaafinta
Madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne KX Carrabey oo xilalkii laga qaaday iyo xaaladda Galmudug oo cirka isku shareertay (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)

Guddiga Qaban-qaabada aaska Qaran ee Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka war bixiyay kulamo ay yeesheen oo ay ugu arrinsanayeen diyaar garoowga keenidda Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh iyo aaska loogu samaynayo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Axmed Ciise Cawad, oo ka war bixiyay kulamada ay yeesheen guddigu oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, ahna guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada, ayaa sheegay in si wanaagsan ay u diyaariyeen aaska qaran ee loo samaynayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa shalay magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka.

Wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo shalay ay ku timid geeri naxdin leh ayaa dawladdu u qorshaysay in loo sameeyo aas Qaran.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: