Madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne KX Carrabey oo xilalkii laga qaaday iyo xaaladda Galmudug oo cirka isku shareertay (dhegayso)

Madaxweyne Xaaf iyo Madaxweyne KX Carrabey oo xilalkii laga qaaday iyo xaaladda Galmudug oo cirka isku shareertay (dhegayso)

Todobaadkan gudihiisa ayey ahayd markii xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb uuna shir guddoomiyey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Barlamanka Galmudug Xareed Cali Xareed ay sheegen in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlmanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Go’ankaas ayaa isla maalinkiiba waxaa ka horyimid Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Xaalka oo ka sii daraya ayaa waxaa Cadaado isugu tagay xildhibano ka tirsan Galmudug oo uu hoggaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir. Xildhibanadas oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay in ay codkii kalsoonida kala noqdeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wariye Mahad Bashiir Cisman oo ku sugan Caabudwaaq ayaa labada dhinac waraystay.

Dhanka Dhuusamareeb, xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed ayaa Daljir uga waramay khilaafka soo cusboonaaday.

Hoos ka dhegayso

 

Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo asna ah xildhibaanada ku sugan degmada Cadaado ayaa kamid ah xildhibaanada xilka ka qaaday madaxweyne Xaaf. Waxa uu u waramay wariye Mahad Bashir Cismaan, Daljir Caabduwaaq, asaga oo sheegay in ay sharci ku taaganyihin.

Hoos ka dhegayso

 

Khilaafka Galmudug ayaa loo aanaynayaa Madaxweyne Farmaajo, ayada oo u hore eeddaas ugu jeediyey Madaxweynaha Hirshabeele Md. Waare, yirina, “Madaxweyne Farmaajo waxa uu diidanyahay dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka, waxa uuna si gooni ah u bartilmaamaysanayaa labada maamul ee Hirshabeele iyo Galmudug.”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com