Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo oo Maanta xiran

Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo oo Maanta xiran

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay Puntland maamusho ayaa sheegaya in Maanta ay inta badan xiran yihiin Goobaha Ganacsiga.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta anacsiga ay u xireen ay tahay in Maamulka dowladda hoose ee Puntland uu Goobaha ganacsi ku soo rogay lacago dheeraad ah oo aan ahayn canshuurtii horay looga qaadi jiray .

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in ayasn furi doonin goobahooda ganacsi ilaa inta Maamulka dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo joojinayaan lacagaha dheeraadka ah, iyaga oo Madaxda sare ee Puntland ugu baaqay inay soo farogeliyaan.

Ugu dambeyn Ganacsatada waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay dhigi doonaan hadii aan wax isbedelin Bannaanbax cabasho ah, iyaga oo sheegay in dhowr jeer arrintaan oo kale ay kusoo laab laabatay.

Maamulka dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaan weli ka hadlin cabashada kasoo yeertay Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku eedeynayay inay lacago dheeraad ah kusoo rogeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com