Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Hirshabeele iyo Safiirka Mareekanka u fadhiya Soomaaliya

HomeWararka

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Hirshabeele iyo Safiirka Mareekanka u fadhiya Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee ku dhex taallo xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Shabaab iyo kor u qaadida mashaari

Muxuu salka ku hayaa safarka madaxweyne Axmed Madoobe ee Garowe?
Ururka Danwadaag oo iskuulka agoonta Qardho ku kordhiyay dhisme cusub (dhegayso)
Khayre oo Kormeer ku tagay Xarumaha Ciidanka Booliska Somaliyeed (Sawiro)

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee ku dhex taallo xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Shabaab iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Cali Guudlaawe iyo Danjiraha ayaa si gaar ah uga wada-hadlay amniga HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa la wadaagay Danjiraha Mareykanka Larry André in dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay, isla-markaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.
Advertisement

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in haatan lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu haatan madaxweynaha HirShabelle ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu u joogo howlo shaqo oo u gaar ah.

HirShabelle ayaa haatan meel wanaagsan ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, waxayna ku guuleysatay in inta badan kooxda laga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, waa maamulkii ugu horreeyay ee ka dhabeeya yoolkiisa ah in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada iyo degmooyinka ay ka heystaan HirShabelle, ayada oo uu kacdoonka ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo ku sii fiday illaa gobolka Sh/ Dhexe ee maamulkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: