Golaha xukuumadda ee Jubalanad oo ka shiray arimaha bixinta dhulka (sawiro)

HomeWararka

Golaha xukuumadda ee Jubalanad oo ka shiray arimaha bixinta dhulka (sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Kulanka ma

Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Duqa Muqdisho Yariisow oo dhaawac iyo 2 gudoomiye degmo oo geeriyooday
Wararkii Ugu Dambeeyey ee Shirka Golaha Amniga iyo Qodobada Laysku Hayo Qaar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada.

Kulanka maanta ayaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan iyadoo ugu horayn Madaxweynahu uu faah faahin ka bixiyay xaalada guud gaar ahaan Siyaasada iyo amaanka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu socdo dardar galinta howlaha isku dubaridka Hay’adaha amaanka gaar ahaan Ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu hoosta xariiqay in xaalada Siyaasada iyo amaanku ay yihiin kuwo caadi ah oo sidii loogu talagalay kusocda.

Madaxweynahu waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay sharciga dhismaha dhulka iyo bixintiisa oo uu xalay saxiixay isla markaana dhaqan galintiisa ay iska kaashanayaan Wasaarada Howlaha guud iyo Wasaaradaha bah wadaagta la ah.

Shircigan oo in mudo ah laga soo shaqaynayay ayaa noqonaya kii ugu baahida badnaa ee dhawaanahan ay golahu meel mariyaan iyadoo muranada dhulka la xiriira ay ahayeen caqabada ugu weyn afartii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aaadan ayaa ka warbixiyay shirar uu kaga soo qayb galay Magaalada Nairobi kuwaas oo lagaga hadlayay arimaha hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed Abdirahmaan Xasan ayaa golaha usoo gudbiyay heshiiska shirkada Milestone kaas oo la xiriira samaynta Master Planka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale ee Jubbaland iyo dib u dhiska Adeegyada aas aaska u ah hormarinta Magaalooyinka.

Heshiiskan ayaa marka ugu horaysa ka dhaqan gali doona Magaalada Kismaayo iyadoo kadibna la gaarsiin doono Magaalooyinka kale ee Jubbaland.
Kismaayo, March 29, 2018-

…….DHAMAAAAD…….

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: