RW Khayre iyo Keating oo Kulan gaar ah Muqdisho kuyeeshay

RW Khayre iyo Keating oo Kulan gaar ah Muqdisho kuyeeshay

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mechael Keating ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo halka ay wax marayaan hadda.

Mechael Keating,ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo kala hadlay xaaladda amaan,siyaasadeed,dhaqaale iyo Istiraatijiyadeed ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay isla soo qaadeen xoojinta horumarrada hadda la sameeyay ee dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo horumarka.

Golaha shacabka ayaa hadda waxaa ay u kala qeybsanyihiin labo garab,kuwaas oo kala taageersan Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa 1aad oo isna aqbalay mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com