HomeUncategorized

Golaha wasiirradda federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad, go?aamo adagna soo saaray.

Muqdisho, Nov 26 ? Shir ay maanta oo (Isniin ah) iskugu yimaadeen golaha xukuumadda ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa looga dooday arrimo badan oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaanna wadiiqooyinka lagu xoojin karo amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Gaas oo Roma kula kulmay Madaxda Wasaaradda Arimaha Dibadda Talyaaniga
Xaaladda Itoobiya oo sii xumaatay iyo Maraykanka oo kahadlay.
Iftin Bank oo dhisme casri ah ka daahfurtay magaalada Garoowe.

Muqdisho, Nov 26 ? Shir ay maanta oo (Isniin ah) iskugu yimaadeen golaha xukuumadda ee dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayaa looga dooday arrimo badan oo la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaanna wadiiqooyinka lagu xoojin karo amniga iyo nabadgalyada.

Kulanka wasiirrada oo uu shir guddoominayey R/wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ?Saacid? waxyaabihii diiradda lagu saaray waxaa ugu miisaan cuslaa qodob ku aaddanaa ammaanka, gaar ahaan sidii loo kala duwi lahaa gaadiidka dawladda iyo midka shacabka, iyadoo sidoo kalena ahmiyad la siiyey arrin dhaqaalaha la xiriirta siiba daymaha magaca dawladda lagu qaado.

Wasiirka warfaafinta ee dawladda Federaalka Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, oo markii kulankaasi dhammaaday warfidiyeennada la hadlay ayaa sheegay shirkaasi wasiirrada in lagu go?aamiyey gaadiidka lagu yaqaanno madaxda dawladda gaar ahaan kuwa aan xabbaddu karin iyo waliba kuwa dagaal cid aan dawladda ahayn in aysan wadan karin, loona ogalaan doonin.

Qodobkaasi ku saabsan gaadiidka, ahna go?aanka golaha wasaarrada ee Soomaaliya ayaa mamnuuc ka dhigaya ka ganacsiga, wadashada iyo soo dejinta labadaas nooc baabuureed, kuwaasi oo loo aqoonsan doono gaadiid dawladeed oo kaliya, iyadoo wixii haatan shaqeeyana dawladdu ay dib ula wareegi doonto sida uu sheegay wasiirka warfaafintu.

Xukuumaddu, waxay sidoo kale ka doodday maanta, isla markaanna ay isku raaceen in aysan hay?adaha ?iyo madaxda kala duwan ee dawladdu qaadan karin wax dayn lacageed oo ay dadweynuhu leeyihiin, iyadoo wax ogalaansho ah laga haysan golaha wasiirrada.

Waa kulankii labaad oo ay iskugu yimaadaan golaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo kulankii kan ka horreeyeyna lagu gorfeeyey qaabkii loo wajihi lahaa qorshayaasha cusub ee dawladdaan uga degsan fulinta hawlaha shaqo ee looga fadhiyo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(G).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: