Xaaladda Itoobiya oo sii xumaatay iyo Maraykanka oo kahadlay.

Addis ababa, Aug, 09 2016-Dowladda dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysey sheegtay inay ka xuntahay qalalaasaha ka aloosan wadanka Itoobiya oo ay Maraykanka saaxiib dhow yihiin.

War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay si weyn u cambaareynayso bannaan baxyada ka socdo qaar ka mid ah gobolada dalka Itoobiya oo ay dhigayaan Qowmiyadaha Orama iyo Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Maraykanku wuxuu ugu baaqay xukuumadda wadanka Itoobiya inay yarayso khasaaraha kadhalankara banaanbaxyada socda, ayna dhegaysato rabiteenka shacabka mudaharaadka dhigaya intii ay ciidan xaaladda ku waajihi lahayd.

Qaar kamid ah Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo Amnest international kamid tahay ayaa sheegay in dowladda dalkaasi ay samaysay gaboodfalo baahsan oo ay ku keceen ciidamada dalkaasi.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com