Golaha Wasiiradda DFS oo shir deg deg ah ka yeeshay abaaraha kajira gobalka Gedo

Golaha Wasiiradda DFS oo shir deg deg ah ka yeeshay abaaraha kajira gobalka Gedo

Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda abaaraha iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaraha iyo biyo yaridu soo food saartay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi amaxamed Guuleed ayaa kulanka shir guddoomiyey, waxaana warbixino la xiriira abaaraha dalka kusoo kordhay looga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa lagu lafa guray sida ugu dhaqsiyaha badan ee gurmadka lagu gaarsiin karo degaannada Gobolada dalka oo ay abaartu kajirto xilligaan.

degaano ka tirsan Vobolka Gedo ayaa ugu weyn meelaha ay abaarta kajirto, iyada oo xukuumadda Soomaaliya la filayo inay dhawaan gaadsiiso gurmad kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com