General Taredishe: ”Waxaan howlgal ku dilney 31 ka mid ah Alshabaab.”

HomeWararka

General Taredishe: ”Waxaan howlgal ku dilney 31 ka mid ah Alshabaab.”

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen deegaan ka

Xubno kasocda Aqalka sare oo Baydhabo gaaray
Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka?
Puntland oo halka milyan ee Dowladda Faderaalka ay ugu deeqday Somaliland sheegtay in lagu hurinayo colaadda Sool, Sanaag iyo Cayn

Taliyaha qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa sheegay in howlgalo ay ka sameeyeen deegaan ka tirsan gobolka Hiraan ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo gaaraya 31-ruux.

Gen. Tareedishe ayaa sidoo kale sheegay in ay furteen hub ay wateen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo kala ah 14 qori oo ah AK-47, hal qori oo ah BKM (Qoryaha Siliska leh), ilaa haatan howlgalkana uu ka socdo degmada Buulo Burte.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka ujeedkiisu yahay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Buulo Burte oo muddo dheer ka xayiran isu socodka Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Dhawaan ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa Degmada Buulo Burte ka dhigay taliska ugu weyn ee qaybta 27-aad ciidamada xoogga dalka si looga qaado duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: