HomeUncategorized

General Maxamed Cali Samatar oo Maraykanka ku geeriyoodey.

Virgina, Aug 20 2016-AUN Madaxweynihii dowladdii kacaanka ee Soomaaliya General Maxamed Cali Samatar ayaa waxa uu ku geeriyoodey dalka Maraykanka oo uu mudooyinkii ugu dambeeyey kunoolaa.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Abdinasir
Naadiga PV10 oo ku guulaystay tartanka Puntland Premier League ee Malaysia.
Xasan Goodir oo ku Guuleystay Xilka Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe

Virgina, Aug 20 2016-AUN Madaxweynihii dowladdii kacaanka ee Soomaaliya General Maxamed Cali Samatar ayaa waxa uu ku geeriyoodey dalka Maraykanka oo uu mudooyinkii ugu dambeeyey kunoolaa.

Waxaa AUN General Samatar oo da’diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBC-da u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxuumka.

Waxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaana noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdu. Wuxuu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: