HomeUncategorized

General Ereg oo kormeeray xarumaha booliska Gal-dogobn iyo deegaamo hoosyimaada.

Gal-dogob, Dec 25 2016-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Howlo shaqo u jooga Gobalka Mudug ayaa kormeeray Booliska ku sugan Deegaannada Beyra,Bursaalax iyo Degmada Galdogob oo ka wada tiran Gobalka Mudug

“Gumaysiga Kenya ayaa dhaama Shabaab oo dalka jooga” Sh. Xeefow, Gudd. Ahlu-sunna.
Weerar kooxo hubaysan ay ku qaadeen xabsiga weyn ee Gaalkacyo oo uu dhaawac ka dhashay.
Haweenka Puntland, Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo sheegay in laga qadiyey qoondadii baarlamaan.

Gal-dogob, Dec 25 2016-Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Howlo shaqo u jooga Gobalka Mudug ayaa kormeeray Booliska ku sugan Deegaannada Beyra,Bursaalax iyo Degmada Galdogob oo ka wada tiran  Gobalka Mudug



Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hogaanka Taliska Booliska Puntland,kuwaaso qayb ka ah Tirakoobida Ciidamada Booliska Puntland.



Gudoomiyaha Degmada Galdogob Xassan Maxamed Faarax ( Ayaxle),Taliya qaybta Booliska Degmada Galdogob iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ku so dhaweeyay Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug.



Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in kormeerkiisa Galdogob uu daaran-yahay ogaanshaha Tirada,Tayada iyo Xaalada Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.



Sidoo kale,Taliyaha Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Tilmaamay  in shacabku Degmeeyinku yihiin indhihii,Gacmihii iyo Laguhii ay boolisku ku howl-galaan,sidaas daraadeedna lo baahan-yahay in la xoojiyo Xiriirka Bulshada Booliska Puntland.



Dhinaca kale,Taliyaha Booliska Puntland ayaa Xusay in uu Gobaladda Bari,Sool,Nugaal iyo Qaar ka mid ah Gobalka Mudug uu ku so arkay shacab iyo boolis isku xiran,Amaan wanaagsan Askar wadaniyiin ah oo u shaqaynaya Dalkooda hooyo.



Ugu Danbaytii,kormeerkan Taliyaha Booliska Puntland uu ku tagay Maanta Degmada Galdogob iyo Deegaanda Hoostaga ayaa qayb ka ah Kormeero uu horay ugu so kala bixiyay Goballada Bari,Nugaal Sool iyo Qaar kale oo ka mid ah Gobalka Mudug,kuwaaso uu kuur-galayay Xaalada Booliska Puntland oo tiro-koobid sax ah ay ku socoto.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: