HomeUncategorized

“Gumaysiga Kenya ayaa dhaama Shabaab oo dalka jooga” Sh. Xeefow, Gudd. Ahlu-sunna.

Caption ...

Wasiirka ku xigeenka howlaha Guud ee Puntland oo la kulmay Jaaliyadda Puntland ee Norway
Maamulka degmada Burtinle oo ka warbixiyay mashaariic ay ka fuliniyaan degmadaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shirkii Cadaado

Dhuusamareeb, Oct 26 – Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Waljameeca Sh. Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa markii ugu horraysay ka hadlay mawqifka maamulka Ahlusunna Walajamaaca ee gobollada dhexe ee ciidamada ay Kenya soo galisay degaanno ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Sh. Xeefow oo u warramay barnaamijka Caawa iyo Daljir ee caawa ayaa sheegey in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo la dagaallamaysa al-shabaab, oo ay ka soo horjeedaan cid dano gaar ah dalka ka leh, waxana uu tallaabada Kenya ay ciidamadeeda Soomaaliya ku soo galisay ku tilmaamay mid ay al-Shabaab iskaga difaacayso, dalkana ka xoraynayso,dan kale oo gaar ahna aanay ka lahayn sida uu nuxurka hadalkiisa u dhigay.

Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee dalka waxa uu ku sheegey in uu gumayste dhaami lahaa, taasoo uu ku sababeeyey in gumaystayaashii dalka soo maray aanay dadka gawrici jirin ?Kiiniya in ay gumaysataa u dhaanta in uu al-Shabaab haysto, waddanka Soomaaliya gumayste wuu soo maray hal qof oo dadka ku soo duulay ay gawraceenna lama arag? ayuu yidhi Sh. Maxamed Yuusuf Xeefow.

Ka soo horjeedidda tallaabada Kenya ee madaxweynaha federaalka, ra?iisal wasaaraha, iyo xubno ka tirsan aqalka wakiillada ayaa uu ku sheegey in haddii ay u arkaan ciidamada Kenya ajnabi soo xadgubtay, ay Soomaaliya saddex sannadood joogaan ciidamo ajnabi ah, isla markaana Muqdisho ay dhaafi kari waayeen.

Hadalkii dhawaan ka soo yeedhey madaxweyne Shariif ee uu ku diiday soo galintaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliiya, isla markaana ay ku mawqif noqdeen ra?iisal wasaare Gaas, iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka ayaa ay siyaabo kala duwan uga jawaabeen dhinacyada dhaqanka iyo siyaasadda ee Soomaliya qaarkood, halka wali aanay caddayn mawqifyada arrinkaas aaddan ee maamullada dalka ka jira qaarkood.

Diiwaan wareedka Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 1