Gen. Indho Qarshe “Soomaaliya waxaa ay yeelanaysaa ciidamo tirakoob leh”

HomeWararka

Gen. Indho Qarshe “Soomaaliya waxaa ay yeelanaysaa ciidamo tirakoob leh”

General Indho-Qarshe Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku tilmaamay ciidamada gadoodka ku

RW Kheyre oo kulan la qaatay Guddiga ka hortagga COVID-19
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galaya Cumaan
Munaasabada lagu shaacinaya Suldaan Axmed Suldaan Cabdullaahi ayaa lagu qabtay Garoowe

General Indho-Qarshe Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku tilmaamay ciidamada gadoodka ku jira  kuwo aan damiir lahayn.

“Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya qaadatay uu yahay mid wanaagsan oo lagu hagaajinayo ciidamada saxda ah ee dalka uu leeyahay.

“Ciidanka wuxuu u baahan yahay xero in loo sameeyo, ciidanka wuxuu u baahan yahay inay helaan tababar wanaagsan, sidee qorshe loogu sameynayaa hadaan tiradiisa la ogeyn”.ayuu yiri Indhaqarshe.

Taliye Indhoqarshe ayaa ku tilmaamay ra’iisul Wasaare Kheyre geesi gaaray go’aan adag jecelna in dalku uu yeesho ciidan wanaagsan.

Waxaa weli taagan gadoodka ay sameeyeen qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka ee gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe kuwaasoo ka cabanaya mushaar iyo raashiin aysan helin muddo afar bilood ah.

Halkan hoose ka dhagayso Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen Indhoqarshe;

Audio Player

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: