Gedo: Ciidamada dowladda oo hub loo qaybiyeey

Gedo: Ciidamada dowladda oo hub loo qaybiyeey

Ciidamadii dowladda Federaalka maalmo ka hor ka dejisay Gobolka Gedo ayaa maanta loo qeybiyay hubkii ugu badnaa, taasoo muujineysa diyaar garow dagaal.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada laga dejiyay degmada Doolow oo u badnaa kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo hub fara badan loo qeybiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda magacawday Cusmaan Nuux Xaaji iyo saraakiil kale ayaa ka soo muuqday ciidamada hubka la siiyay, iyagoo la sawiran.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Doolow ka degay boqolaal askari oo isugu jiray Ciidanka Gorgor ee uu Turkiga tababaray iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com