Gedo: Ciidamada dowladda oo hub loo qaybiyeey

HomeWararka

Gedo: Ciidamada dowladda oo hub loo qaybiyeey

Ciidamadii dowladda Federaalka maalmo ka hor ka dejisay Gobolka Gedo ayaa maanta loo qeybiyay hubkii ugu badnaa, taasoo muujineysa diyaar garow dagaal

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)

Ciidamadii dowladda Federaalka maalmo ka hor ka dejisay Gobolka Gedo ayaa maanta loo qeybiyay hubkii ugu badnaa, taasoo muujineysa diyaar garow dagaal.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada laga dejiyay degmada Doolow oo u badnaa kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo hub fara badan loo qeybiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda magacawday Cusmaan Nuux Xaaji iyo saraakiil kale ayaa ka soo muuqday ciidamada hubka la siiyay, iyagoo la sawiran.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Doolow ka degay boqolaal askari oo isugu jiray Ciidanka Gorgor ee uu Turkiga tababaray iyo ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: