Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo Garowe lagu Aasayo

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo Garowe lagu Aasayo

Allaha Unaxaristee meedka Marxuum Cabdisamad Cali Shire madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland ayaa goor dhow lafilayaa in laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.
Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooda magaalada Muqdisho, Waxaana hada kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho diyaaradii siday meedka marxuumka.
Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsanayay waxana uu u geeriyooday xanuunkii hayay oo aan la shaacin.

Marxuum Cabdisamad Cali Shire oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland xilligii Cabdiraxmaan Faroole intii u dhexeysay 8 January 2009- 8 January 2014.

Lasoco warbixinta Aaska.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com