Garoowe lagu qabtay Munaasabada shaahaado siinta ururada siyaasadda Puntland

HomeWararka

Garoowe lagu qabtay Munaasabada shaahaado siinta ururada siyaasadda Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qeybgalay Xafladda Shahaado-

Faahfaahin Qaraxii Mudisho & khasaarihii ka dhashay
Al-shabaab oo shan ruux ku toogtay Jilib
Kooxda Alshabaab oo xalay weeraray Degamadda Afgooye

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qeybgalay Xafladda Shahaado-siinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay 10 Urur Siyaasadeed oo maanta shahaadada aqoonsiga la guddoonsiiyey, wuxuu sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshada ee ka hadlay kulanka, ayaa uga mahadceliyay Dowladda inay xili hore ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku weheliyay Xafladda Madaxweyneyaashii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland, Madaxda Ururada Siyaasadda ee Shahaadooyinka la siiyey, Xafiiska Xuquuqul Insaanka, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: