Garoonka diyaaradaha Qardho iyo wararka la xiriira hubka lagu qabtay

HomeWararka

Garoonka diyaaradaha Qardho iyo wararka la xiriira hubka lagu qabtay

Ciidamada booliska ee magaalada Qardho ayaa subaxnimadii maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho 17- kartoon oo ay ku jiraan dharka

RW Khayre oo Beesha Caalamka kala Hadlay Howlgalka AMISOM iyo Sugidda Amniga Dalka
Faahfaahin Qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Muqdisho (dhegayso/sawiro)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Ciidamada booliska ee magaalada Qardho ayaa subaxnimadii maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho 17- kartoon oo ay ku jiraan dharka ciidamada ee Tuutaha.

Mid ka mid ah saraakiisha amniga ayaa u sheegay radio Daljir in dharkan lagu soo qariyay qaadka laga keeno dalka Kenya ee laga dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho, waxaana loo ekaysiiyay qaadka.

Balse ciidamada oo baaritaan ay sameeyeen kadib ku ogaaday inay yihiin dhar ciidan ayaa la wareegay, waxaana diyaaradda lagu siidaayay qaab damaanad ah, iyadoona laga qaaday ganaax lacageed oo dhan laba kun oo doolar.

Ilaa iyo hadda lama oga jihada uu kusocday dharkan ciidmada, balse waxaa wali socda baaritaano.

Wixii kasoo kordha kala soco bogeena Daljir.com

Diiwaanka wararka

Radio Daljir, Qardho.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: