Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay dilkii shacabka ee koonfurta Gaalkacyo (sawiro)

HomeWararka

Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay dilkii shacabka ee koonfurta Gaalkacyo (sawiro)

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dilka sagaal qof oo rayid ah loogu gaystay 15kii bishaan xaafadda Wadajir ee Koo

Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhaawo)
Wacaal Darey ah : Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ku guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize
Iiran oo Xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka wada hadlay dilka sagaal qof oo rayid ah loogu gaystay 15kii bishaan xaafadda Wadajir ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dilkan ayaa yimid kadib sarkaal katirsan ciidamada ammaanka Galmudug oo kooxo hubaysan ay dileen, taasi oo sababtay inay si caro leh uga falceliyaan dad kasoo jeeday Galmudug.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed iyo guddiyo kasocda Galmudug ayaa kulan ku yeeshay koonfurta Gaalkacyo oo looga arrinsanayo xiisadda ka dhalatay dilkaasi iyo sidii xal waara loogu gaari lahaa.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaanay wali ku guulaysan soo qabashada dadkii falka dilka gaystay oo ay ku raad joogaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: