Galmudug oo war ka soo saartay dagaal beeledyadda

HomeWararka

Galmudug oo war ka soo saartay dagaal beeledyadda

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saartay howlgallo amni xaqiijin ah oo malmihii la soo dhaafay laga sameeyay degmada Cabudw

Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo: ”Waxaad tihiin kuwa aan dooneyno in ay asaas u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka ”(dhegayso)
Shir Wadatashi ah oo ka Furmay Magaaladda Garoowe

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saartay howlgallo amni xaqiijin ah oo malmihii la soo dhaafay laga sameeyay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka dhaceen colaad beeleedyo.

Howlgallada ayaa intooda badan waxaa uu ahaa mid looga hortagayay dadka hubk sharci darrada ah ku dhex-watay gudaha degmada Cabudwaaq, waxaana horkacayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid & Xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug.

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug iyadoo og baahida ay bulshadu u qabto Amni iyo Nabad ku wada noolaanshaha bulsho waynta Caabudwaaq waxay u mahad-celinaysaa cid walba oo ku howlan sidii amni buuxa uu uga dhaqan gali lahaa degmadda Caabudwaaq.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu mahad-celinaysaa Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiir ku xigeenka amniga Gudaha, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax,Odoyaasha dhaqanka,ururada Haweenka, Dhallinyarada iyo dhammaan ciidamada qeybahooda kala duwan oo iska kaashadey sidii loo xoojin lahaa amnigii ka jiray magaalada.

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug waxay u aragtaa arrintaan ay wadaan hal-doorka aan kor ku soo xusnay iyo ciidamada amnigu mid sii xoojinaysa in ay bulshadu ku dhiiradaan Nabadda maadaama bulshadu ay baahi wayn u qabto amni iyo nabad galyo waarta.

Wasaaradda Amniga Galmudug waxay bulshada Caabudwaaq ku boorinaysaa in ay doorkooda ka qaataan amniga iyo xasiloonida degmadda.

Ugu danbayntii Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Galmudug waxay ciidamada amniga Galmudug iyo bulshada reer Caabudwaaq ku bogaadinaysaa dadaalada aan hagarta lahayn ee amniga lagu sugayo iyo iskaashiga ka dhexeeya kaasoo suurtagalinaya In si Wadajir ah looga hortago falalka xasilooni-darrada abuuraya, isla markaana la ilaaliyo nabadda iyo nidaamka dawladnimada.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: