Galmudug: Barlamaanka oo ansixiyeey Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose

HomeWararka

Galmudug: Barlamaanka oo ansixiyeey Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulankoodii maanta ku ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose. Kulanka ayaa waxaa shir gudoomin

Duqa Muqdisho oo gurigiisa ku wareejiyay muwaadin si sharci darro looga heystay
Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal oo ka wada hadlay Xaalada Maamulka Koofur Galbeed
Maamulka Gobolka Nugaal iyo Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada Puntland oo La kulmay Saadicuuna Bil-xaq (DHEGAYSO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulankoodii maanta ku ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ajandaha kulan ayaa ahaay,

Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose.

Falanqeynta Hannaanka Doorashada Labada Aqal ee Federaalka iyo Kaalinta Baarlamaanka Galmudug
Sharcigaan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowldaha hoose, iyadoo Baarlamaanka usoo gudbisay kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Gudiga Dastuurka iyo dib uhishiisiinta iyo arimaha gudaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ka dalbaday in ay insixiyaan kadib markii ay soo idlaatay waqtigii dib u eegista Sharcigaan,Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

,48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan waxaana ka aamusay, 1mudane, sidaas ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha Gudaha iyo iyo Dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) ayaa umahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug isaga oo sheegay in sharcigaan sida uu yahay ay ugu hogaansami doonaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: