HomeUncategorized

G/ KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo tababar u soo xiray 72 dhalinyaro ka shaqayn doona doorashooyinka

Garoowe,14, march 2013 Gudiga KMG ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland ayaa maanta tababar u soo xiray (72) dhalin yaro ah oo ka shaqayn doona hawlaha doorashooyonka gobolada iyo degmooyinka Puntland qaarkood.

Ximan iyo Xeeb oo Madaxweyne cusub maantay lagga doortay
UNHCR oo ka Hadashay Dacwado Argagaxiso oo loo Haysto
DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.

oowe,14 march 2013?Gudiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta tababar u soo xiray (72) dhalin yaro ah oo ka shaqayn doona hawlaha doorashooyonka golayaasha deegaanka ee? Puntland.

Tababarkaan oo socdey mudo 3 bari ah ayaa waxaa lagu baranayey hawlaha doorashooyinka iyo sidii looga shaqayn lahaa waxaana loo dhaariyey dhalintaas sidii ay hawlaha loo igmaday daacadnimo iyo dhex dhexaad ugu gudan lahaayeen.

Dhalinyaraaan oo gaareysa (72) ayaa waxaa ay ka kala socdaan gobolada Bari,Sanaag,Haylaan iyo Kar kaar ?waxayna ka shaqayndoon codadka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland oo la filayo in la qabto bisha May 2013.

Gudoomiyaha gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Bare (Shimbiralaaye) oo tababarkaas u soo xiray ayaa hadal dardaaran ah u soo jeediyey dhalintaas isgoo kula dar daarmay inay si daacad nimo ah ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda

Gobolada harsan ee Puntland ayaa lagu wadaa in dhawaan sidaas si la mid ah tababar loo qabto xubnaha la shaqayn doona gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

?

\"\"\"\"\"\"

?

Diiwaanka warareka Daljir

(C.X)

?

?

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: