Ximan iyo Xeeb oo Madaxweyne cusub maantay lagga doortay


Caddaado , 13 June 2013 – Kadib doorasho Madaxtinimo oo maanta ka dhacday? Magaalada Cadaado ee xaruunta Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay goor dhoweyd Madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere? ayaa si rasmi ah daaha uga qaaday Madaxweynaha cusub kadib markii la dhameeyey tirinta codadka ay Baarlamanku dhiibteen, waxaana uu goobta ka cadeeyey inuu madaxweynaha rasmiga ah ee Ximan iyo Xeeb uu yahay Cabdillahi Cali Maxamed (Kadiye), goor dhoweyd oo gelinkii dambe ee maanta ah ayaa lasoo gabba gabeeyey doorashadda laggu doortay? Cabdullahi Cali Maxamed Kediye oo helay 20 Cod, halka Madaxweyne ku xigeena laga dhigay Maxamed Axmed oo isna helay 22, Cod kadib tartan dheer oo ay labbaduba u galeen jagada sare ee Madaxtinimo.

Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi axamed C/llahi Maclin Aadan Tiiceey oo goobtii doorashadu ka dhacday? ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa cusub ee Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana uu?? sheegay in uu la shaqeyn doono loona baahan yahay in ay horumar ku talaabsadaan.

Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyey dhamaan xubnnihii la tartamaayey madaxweynaha oo sheegey inay u hanbalyeynayaan doorashadduna si xorinimo iyo dimuqraadiya ku dhacday, sido kale waxaa lagga soo dhaweeyey doorashadda maantay caddaado ka dhacday deegannada Soomaalida oo danaynayey maamulkaan iyo doorashadooda.

Idle Moallim Omar

Radio Daljir Garowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com