UNHCR oo ka Hadashay Dacwado Argagaxiso oo loo Haysto

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) — Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee mageceeda loosoo gaabiyo UNHCR ayaa beenisey war kasoo baxay dowladda wadanka Kenya oo horay loogu sheegay inay Hay’adu xiriir laleedahay ururka Alshabaab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Mid kamid ah saraakiisha ugu saraysa Hay’ada oo khudbad kajeedinayey magaalada Geneva ayaa ku gacan sayray hadalka kasoo baxay wasiirka arrimaha gudaha wadanka Kenya, wuxuuna sheegay in Hay’adu aysan wax xiriir ah lalahayn ururka Alshabaab.

Mas’uulkaan ayaa sheegay in Kenya looga baahnaa in xukuumadda Kenya ay eedaymeheeda ugu horayn ugudbiso Hay’ada UNHCR, kadib maxkmad laysla aado si ay u cadayso eedaymaha ay usoo jeedinayso Hay’ada UNHCR xafiisyadeeda Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha wanka Kenya oo kahadlayey weerarada ururka Alshabaab uu ka geysto dalkiisa ayaa sheegay in weeraradaasi qaar laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga ee Kenya, wuxuuna xusay inay taageero kahelaan Hay’ada UNHCR

By: Abdirashiid

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com