Farmaajo oo loo caalwaayay & Rooble oo muujiyay biseel badan

HomeWararka

Farmaajo oo loo caalwaayay & Rooble oo muujiyay biseel badan

Waxaa soo baxayay saacadihii la soo dhaafay is afgaranwaa kadib markii Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagala ku

Waa sidee xaaladda dalka Itoobiya?
Wasiirka haweenka Puntland oo Gaalkacyo kaga qayb gashay kulan amaanka loga hadlayeey (Daawo)
Dagaal kadhacay duleedka Qoryooleey

Waxaa soo baxayay saacadihii la soo dhaafay is afgaranwaa kadib markii Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lagala kulmay caqabado badan.

Sida uu bartiisa ku daabacay Wasiiru dowlaha madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cumar Shido waxaa fashil ku yimid waan-waantii madaxweynaha Galmudug uu maalmihi la soo dhaafay ka dhex waday madaxda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf weyni uu soo kala dhexgalay.

“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday ay istaagaan.”ayuu yiri Shido.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in qodobada lagu kala booday ay salka ku haysaa Wasiirka Amniga iyo Taliyaha kumeelgaarka ah ee uu NISA ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: