AFGOOYE: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay saraakiil katirsan ciidamada DFS

AFGOOYE: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay saraakiil katirsan ciidamada DFS

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa goor dhawayd ka dhacay qarax jigtiisa intabadan laga maqlay deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka torsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Maamulka iyo laamaha amniga ee degmada Afgooye weli kama aysan hadlin qaraxa lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com