Faahfaahin: Khasaaraha Dagaalka Beledxaawo (daawo)

HomeWararka

Faahfaahin: Khasaaraha Dagaalka Beledxaawo (daawo)

Khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah ayaa ka dhashay dagaal xalay ka bilawday magaalada Beledxaawo oo ah degmo katirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soo

Madaxweyanaasha Puntland iyo Galmudug oo cadaado gaaray (Sawiro)
Kulan looga hadlayeey Xulista Xildhibaanda Puntland 2019 oo Garoowe ka dhacay (dhegayso/daawo)
Shir amniga looga hadlayeey oo ka qabsoomay Burtinle

Khasaare ballaaran oo naf iyo maal ah ayaa ka dhashay dagaal xalay ka bilawday magaalada Beledxaawo oo ah degmo katirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, degmadaasi oo dhacda cirifka xudduudeed ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, marka lagu cabbir qaato soodintii uu dhigay gumaystihii Ingiriisku.

Dagaalkaasi illaa xalay ka socday magaalada Beledxaawo, xoogiisuna ahaa maanta, soona gaaray duhurnimadii isla maanta, waxaa uu u dhaxeeyey ciidamada dawladda federaalka ee Soomaaliya ee fariisinnada ku leh degmada Beledxaawo iyo ciidamo daraawiishta Jubaland ah oo ka amarqaata wasiirka amniga Jublanad Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo muddo fadhiyo ku lahaa deegaanno aan ka durugsanayn isla degmada Beledxaawo.

Dagaalka ayaa dhaliyey khasaaro dhimasho, mid dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aan yarayn, waxaana la xaqiijinayaa dad ka badan 40 qof in ay dagaalka ku dhinteen, kuwaasi oo iskugu jira dhinacyadii dirirtu dhexmartay iyo dad shacab ah, waxaana dadka dhintay ku jira tobaneeyo carruur ah iyo haweenka sida ilo kala duwan u xaqiijiyeen warbaahinta Daljir, waxaana carruurta dhimatay ka mid ah kuwo isku qoys ah.

Dhaawaca dagaalkaasi ka dhashay waa ku dhawaad 80 ruux oo iskugu jira labada ciidan ee dagaallamay iyo dad shacab ah, waxaana goor gaaban oo galabta ah diyaarad lagu qaaday dhaawac gaaraya 50 qof oo shacab iyo ciidan leh, kuwaasi oo diyaaraddu ka qaadday Doolow.

Dadka dhintay, dagaalkuna uu sababay geeridooda waxaa ku jira masuuliyiin xilal dawli ah hayey, kuwaasi oo laga xusi karo xildhibaan baarlamaanka Jubaland ah iyo taliye kuxigeenkii saldhigga degmada Beledxaawo. Dagaalku waxaa kale oo uu geystay burbur hantiyeed oo aan yarayn.

Sida muuqata dagaalkaasi waxaa looga itaal roonaaday ciidamadii wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo tiro badan oo ka mid ah nolol lagu qabtay, dhimasho iyo dhaawacna soo gaaray, sidaasna waxaa xaqiijiyey masuuliyiin dawladda Soomaaliya ah iyo kuwo maamul heer gobol u hadlay.

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: