Faah Faahin: halkee ayuu ku socday qaraxii ay fashiliyeen ciidamada dowladda?

Faah Faahin: halkee ayuu ku socday qaraxii ay fashiliyeen ciidamada dowladda?

Ciidamada dowaldda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan qarax laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen rag hubaysan.

gaarigan ayay ciidamadu ku rasaaseeyeen inta uusan soo gaarin bar kaantarool oo ay ciidamadu ku sugnaayen iyagoo doonayay in ay xoog ku jiiraan.

gaariga qaraxa siday ayaa ku wajahnaa xarunta taliska ciidamada Asluubta ee dowladda Soomaaliya oo ay tababar uga socday ciidamad.

khasaaraha ka dhashay qraxan ilaa iyo haatan lama shaacin,balse goobta uu qarax ka dhacay ayaa waxa uu khasaare ka soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayay iyo goobo ganacsi.

dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin qaraxan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan.

Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com