Eng Camey oo ka qayb-galay Munaasabad kubadda Cagta ah oo lagu xusayay 01-da Agoosto

Axad, Ogoosto 02, 2015 (Daljir) — Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa gelinkii dambe ee shalay garooonka kubadda cagta mira awaare ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe kaga qeyb-galay ciyaar ku badeed lagu maamuusayey sanadguurada 17-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Puntland.rn

Ciyaarta oo u dhaxaysa laba kooxood oo ka kala socday Gobolka Nugaal iyo Gobolka Kar-Kaar ayaa waxaa u soo daawasho tagey Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Saraakiil ciidan iyo sidoo kale boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimi guud ahaan Gobolada Dalka.

Xiisaha ciyaarta oo soo jiidataya dhammaan dadkii daawaneyey ayaa ku soo idlaatay natiijo 2:0 waxaana guulaystay oo koobkii madasha oolaa qaatay kooxdii Gobolka Nugaal.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo markii ay soo dhammaatay ciyaarta hadal kooban jeediyey ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu hambalyeeyey munaasibadda koowad agoosto , waxaana uu koobab iyo bilad sharafyo gudoonsiiyey ciyaaryahanadii labada Gobol.

Eng . Camey waxaa uu sidookale sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn quluubta shacabka Puntland , waxaana uu alle uga baryey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo .

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com