Duqeyn ka dhacday deegaanka Cameyra ee gobolka Bari

Duqeyn ka dhacday deegaanka Cameyra ee gobolka Bari

Buuralayda deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban oo ka tirsan gobolka bari ayaa maanta duhurkii waxaa ka dhacay duqen dhanka cirka ah.

dadaka deegaanka oo uu Radio Daljir xiriir la sameeyay ayaa noo xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka ilaa iyo afar jeer ay deegaanka duqeeyeen oo ay maqlayeen jugta gantaalada ka soo dhacayay diyaarada.

lama oga cida ilaa iyo haatan duqeyntaasi lala beegsaday, balse deegaankaaski waxaa ku sugnaa dadka ka shaqaysta xijiga.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo haatan maamulka Puntland, balse waxaa jiray duqeymo horay ay maraykanka uga gaysteen gobolka bari in lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan kooxda Daacish.

deegaanka ay duqaynta ka dhacday ayaa degmada Iskushuban waxa ay ujirtaa ilaa iyo 40 kmtr.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com