Duqayn Diyaaradeed oo xalay kadhacday deegaanka Calmadow ee gobolka Bari

Duqayn Diyaaradeed oo xalay kadhacday deegaanka Calmadow ee gobolka Bari

Diyaarad dagaal ayaa xalay duqayn ka fulisay buuralayda Calmadow gaar ahaana deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya duqaynta inay kadhacday agagaarka Madarshaan, iyadoona lagu dilay ilaa ku dhowaad toban ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Duqaynta ayaa timid kadib markii shalay qarax uu kadhacay wadada xiriirisa Galgala iyo Bosaso, kaasi oo lala eegtay ciidamo katirsan Puntland, waxaana ku dhaawacmay laba askari.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com